OIC oo caddeeyay sida ay u diidan yihiin is afgaradkii dhex maray Itoobiya iyo Somaliland

04 Jan 2024 (Puntlandes.com) Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa caddeeyay sida ay u diidan yihiin is afgaradkii dhex maray Itoobiya iyo Somaliland, kaasoo ah ficil xadgudub ku ah madax bannaanida iyo midnimada Dhuleed ee Soomaaliya.

Waa tallaabo kale oo guul Diblomaasiyadeed ah oo dowladda Soomaaliya ka soo hoysay fagaarayaasha Caalamka sida dowladaha saaxibada la ah iyo ururada calaamiga ah ee ay xubinta ka tahay, waxaana loo arkaa in tallaabooyinkan ay xoojinayaan go’aanada dowladda Soomaaliya uga soo horjeestay xadgudubka Itoobiya ku sameysay madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

About The Author