Dowladda Turkiga oo si adag uga hadashay damaca ay Itoobiya ku doonayso dhalka Somalia

04 Jan 2024 (Puntlandes.com) Dowladda Turkiga ayaa si adag oo dareen leh uga hadashay damaca waalida ah oo ay dawladda Itoobiya ku doonayso inay ku boobto dhalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay yey Dowladda Turkiga ku tiri “Si dareen leh ayaan ula soconnaa heshiiska Iskaashi iyo Is-afgarad ee ay Dowladda Itoobiya iyo Somaliland ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen iyada oo aysan ogeyn ama ogalaan Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa aan xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay in la ilaaliyo midnimada, madaxbannaanida iyo karaamada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, tanina waa waxa looga baahan yahay sharciyada caalamiga ah.

Maanta iyo sidii horeba, waxaan rejeynayaa in lagu xalliyo khilaafka Soomaaliya iyo Somaliland wada-xaajood u dhexeeya Soomaalida, waxaan ku celineynaa in aan taageereyno jihadaas.”

About The Author