Farmaajo oo u hambalyeeyay dib u doorashada Saciid Deni

08 Jan 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka hambalyeeyay dib u doorashada Saciid Deni, ee ay Baarlamaankii uusoo xushay ay doorteen madaxweynaha Puntland ee 2024-2029.

Farmaajo ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook “Hambalyo Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo loo doortay inuu mar labbaad hoggaamiyo Dowlad Goboleedka Puntland. Waxaan Allaah kaaga rajaynayaa inuu kugu guuleeyo mas’uuliyaddan laguu doortay, aadna horseed u noqoto xasilloonida, horumarka iyo baraaraha Puntland”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Ku-xigeenka la doortay ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor. Waxaan Allaah uga rajaynayaa inuu u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda loo igmaday.”

Sidoo kale waxa uu Mucaaraadka ku booriyay in ay taageeraan madaxda la doortay, iyaga oo dhinac iska dhigaya khilaafka siyaasiga ee muddooyinkii dambe kala dhaxeeyay madaxweynaha dib loo doortay.

“Dhamman siyaasiyiinta, musharrixiintii xilka Madaxweynaha Puntland iyo guud ahaan shacab qiimaha badan ee reer Puntland waxaan ku boorrinayaa inay gacmaha is qabsadaan, taageeraan Madaxda la doortay, wadajirka uga shaqeeyaan horumarka Puntland iyo guud ahaan dalkeenna.”

Siciid Deni oo ahaa ninkii Villa Somalia ka saaray Madaxweyne Farmaajo ayey waxay heshiiyeen kadib markii ay isqabteen Deni iyo madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo uu Siciid ka shaqeeyey inuu madaxweyne noqdo.

About The Author