Dhageyso: Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland oo ka warbixiyey shaqada uu ku guda jiro Baarlamaanku

24 jun 2015 (Puntlandes) Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland Siciid Xasan Shirre ayaa  sheegay in maanta uu Barlamaanka Puntland soo dhameeyey  dhageysiga warbixinadii guddiyadu Barlamaanku kasoo diyaariyeen Puntland.

Guddoomiyaha barlamaanka Siciid Xasan Shirre oo wuxuu kaloo sheegay inay maalinta beri bilaaban doon dhagaysiga Gudiyadii uu Baarlamaanku u diray Gobolada Puntland si ay uga soo warbixiyaan waxa ay dawlad dadka u qabatay iyo waxa ay ka gaabisay.

Guduumiye Siciid ayaa sheegay inay dhageysigu warbixinadu ahaayeen 4 kamid ah ajendayaasha barlamaanka ee ka koobnaa 16ka ajende.
Baarlamaanka Puntland oo intuu uu gudoonkiisa qabtay Siciid Xasan Shirre lagu eedeeyo FADHIIDHNIMO maadaama uusan ka soo bixin la xisaabtanka xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas

Si kastaba ha ahaatee maalmaha soo socda ayaa laga rajo qabaa in

Barlamaanka Puntland uu guda galidoona la xisaabtanka hay’adaha dowladda, meel marinta wasiirada cusub, dib u eegida miisaaniyada 2015, mowqifka barlamaanka Puntland ee barlamaanka Muqdisho iyo qodobo kale.

Dhageyso gudoomiyaha barlamaanka

 

About The Author