Siyaasi Cartan Bardacad oo ku tilmaamay doorashadii Siciid Deni mid Majaajilo ahayd!
09 Jan 2024 (Puntlandes.com) Siyaasi Cartan Bardacad oo ka mid ahaa musharixiintii Madaxweynaha ee Markii ay arkeen inuu Boobay xulistoo Baarlamaanka Siciid Cabdulaahi Deni ayaa wuxuu ku tilmaamay doorashadaas mid Majaajilo ahayd!
Siyaasi Cartan Bardacad ayaa yiri ” Doorashadii majaajilada ahayd 8 Jan. 2024 ka dhacday Garowe maxsuulkeedii waxuu noqday ‘Hal xaaraan ah Nirig xalaal ah ma dhasho’.
Gole Sharci dejin oo boob kuu yimi iyo Fulin uu dhalay ma lahan wax sharciyad ah. Maanta Puntland kama jirto Dawlad waafaqsan sharciga. Waxaa kajira xoog iyo xukun boob.”