Wasiir Dr C/raxman Kulmiye oo maamulka Somailand Xabsi ku xukumay

09 Jan 2024 (Puntlandes.com) Wasiirul dawlihii hore Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda dawladda Puntland Prof. C/raxmaan Jaamac Kulmiye ayaa maamulka Somaliland ku xukumay xabsi 1 sano iyo bar ah.

Wasiirka oo u shaqeeya Hay´adda FOA ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Hargaysa, kadibna waxaa xiray maamulka Somaliland bishii dhamaatay ee december bilowgeedii.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maamulka Muuse Biixi uu Dr Kulmiye ku daray maxaabiis dagaalkii Goojacadde.

Maamulka Somaliland hay´addiisa sirdoonka ayaa waxay ku eedaydaysay wasiirka inuu u shaqeeyo sirdoonka dawladda Federaalka Soomaaliya uuna Hargaysa u yimid inuu ka fuliyo fal liddi ku ah jiritaanka Somaliland waa saday u dhigeena.

Prof. Kulmiye ayaa ku takhasusay cilmiga Badda iyo Kalluunka, una aaday Hargeysa hawlo ku saabsan shaqadiisa, wuxuu wasiir ka soo noqday Xukuumadii uu madaxweynaha ka ahaa Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

About The Author