Dowladda Shiinaha oo caddeysay in DFS ku taageereyso Ilaalinta madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya
11 Jan 2024 (Puntlandes.com) Dowladda Shiinaha ayaa si buuxda u caddeysay in dowladda Federaalka Soomaaliya ku taageereyso Ilaalinta madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Qoraalka kasoo baxay Shiinaha waxaa sidoo kale lagu sheegay in Somaliland ay tahay qeyb kamid ah Soomaaliya oo aysan heshiisyo caalami ah gali karin.
“Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya. Shiinuhu waxa uu dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ka taageerayaa ilaalinta midnimada qaranka, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed” sidaas waxaa shir saxaafadeed ku sheegtay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Mao Ning.