Jabuuti oo kubaaqday shir deg deg ah oo lagu xalinayo xiisadda Soomaaliya & Itoobiya
11 Jan 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Jabuuti oo ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in shir deg deg ah oo looga hadlayo damaca guracan ee Itoobiya iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.
Shirkaan oo ka dhici doona 18-ka bishaan dalka Udanda ayaa looga jawaabayaa baaqii Soomaaliya ee ahaa in wadamada IGAD kulan ay ka yeeshaan damaca Itoobiya.
Dowladda Soomaaliya waxaa doodeeda ka mid ahaa in tallaabada ay qaaday Itoobiya ay ka soo horjeedo shuruucda IGAD iyo dhammaan shuruucda kale ee caalamka.
Dowladda Jabuuti ayaa u muuqata inay door firfircoon ka qaadaneyso sidii loo dejin lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo xubno muhiima ka ah ururkaan IGAD.