Puntland oo ugu yeertay Villa Somalia in ay joojiso wax ka bedelka Dastuurka iyo Federaalaynta dalka inta laga heshiinayo
12 Jan 2024 (Puntlandes.com) Madaxda Puntland iyo qaar ka mid ah madaxdii hore oo ugu yeeray Villa Somalia in ay joojiso wax ka bedelka Dastuurka iyo Federaalaynta dalka inta laga heshiinayo.
Kulan ay ku yeesheen Madaxtooyada Garowe, Madaxda Puntland, madaxweyne hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, RW hore Federaalka Cumar C/rashiid iyo wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed cawad ayey ka ka soo saareren labo qodob.
Waxaa xusid mudan inay Garowe joogaan qaybna ka ahayn kulankaas madaxweyne hore ee Puntland ahna RW hore Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisiciid Muuse Cali-Koor iyo wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Huruuse.