Muuqaal: RW Xamse “Fircoon tolkiisa naar ayuu ku shubay, Muuse na LEFT-NAGAA & haadaan, waa isu egyihiin”
14 Jan 2024 (Puntlandes.com) Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee gobollada Waqooyi ee Somaliland inay u istaagaan difaaca dalka meel kasta oo ay joogaan, isagoo uga mahadceliyay sida geesinimada, run sheegga, waddaniyadda iyo Soomaalinimada leh ee ay uga dhiidhiyeen damadac Itoobiya.
Raysal wasaare Xamse ayaa yiri “Itoobiya, Taako dhulka Soomaaliyeed ma iman karto mana qaadan karaan, hadday iskudayaanna iyaga oo meyd wata oo aan waxba ka noolayn ayey ka baxayaan… Fircoon tolkiisa naar ayuu ku shubay, Muuse na LEFT-NAGAA & haadan, waa isu egyihiin.”