Hay’adda NISA oo xiray xarumaha Shirkadda Hormuud & Salam Bank ee Suuqa Bakaaraha.

15 Jan 2024 (Puntlandes.com) Hay’adda NISA ayaa xiray xarunta wayn Shirkadda Hormuud ee Suuqa Bakaaraha iyo Xarunta weyn ee Salam Bank ee Suuqa Bakaaraha.

Shalay ayey sidoo kale ciidamada amniga Xireen Xarunta Shirkadda iyo Salam Bank ee Tareebiyaano, iyadoo war kasoo baxay Shirkadda NISA lagu eedeeyay in ay qaaday tallaabooyin sharci darro ah, balse NISA ayaa dhankeeda sheegtay in ay ka jawaabtay codsi hore shirkadda uga yimid ayna qaaday tallaabooyin sharci ah.

About The Author