Khayre oo ka soo horjeestay falkii NISA ku xirtay xarumaha Shirkadda Hormuud & Salam Bank ee Suuqa Bakaaraha
15 Jan 2024 (Puntlandes.com) Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo qoraal soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook ayaa ka soo horjeestay falkii NISA ku xirtay xarumaha xarunta wayn Shirkadda Hormuud ee Suuqa Bakaaraha iyo Xarunta weyn ee Salam Bank ee Suuqa Bakaaraha.
Hoos ka akhriso qoraalka RW Khayre:
Waxaan ka xumahay falalka ay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranku ku xirtay qaar ka mid ah xarumaha Shirkadda Hormuud Telecom.
Waa arrin ugub ku ah Dowladnimada Soomaaliya in ay hay’ad dowli ahi weerar toos ah iyo mid warbaahineed ku qaaddo Shirkad Soomaaliyeed, magaca Dowladdana lagu dhibaateeyo shirkad canshuur-bixiye ah, oo Hay’adda Nabadsugidda iyo dowladdaba waajib qaran ka saaran yahay ilaalinta amnigeeda.
Waxaan xogogaal u ahay kaalinta hoggaamineed ee Shirkadda Hormuud ka qaadatay horumarinta dhaqaalaha Dalka, samatabixinta ummadda, iyo dib-u-dhiska Dalka iyo dowladnimada Soomaaliya, oo aan si dhow uga soo wada shaqeynay muddadii aan ka mid ahaa hoggaanka Dalka.
Hormuud waa shirkad iyo hanti Soomaaliyeed, oo lafdhabar u ah dhaqaalaha Dalka, ayna waajib nagu tahay in aan wada ilaashanno. Dhibaatada soo gaarta Hormuud waxay wax u dhimaysaa dhaqaalaha dalka. Waxaan sidaas daraadeed ku baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo furo xarumaha Shirkadda, Hay’adaha Dowladda iyo Shirkadduna u wada shaqeeyaan si waafaqsan shuruucda Dalka, oo ay ku dheehan tahay xilkasnimo, hufnaan, daacadnimo, iyo biseyl dowladnimo.