Maxkamadda Turkiga ah oo xukun ku riday wiilka MD Xasan Sheekh
16 Jan 2024 (Puntlandes.com) Maxkamad ku taala dalka Turkiga ayaa ku ganaaxday wiilka madaxweynaha Soomaaliya lacag dhan $900, iyadoo loo xukumay nin ku dhintay Gaari uu waday.
Maxkamadda ayaa ku heshay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud dambi ah inuu sababay dil ka dhashay dayacaad kadib markii gaariga uu watay uu ku dhacay nin mooto guryaha ku geeya dalabyada, 30-kii bishii November 2023.
Yunus Emre Gocer, oo ahaa aabaha laba caruur ah, ayaa isbitaalka ku geeriyooday lix maalin kadib.
Dacwad-oogayaasha Turkiga ayaa soo saaray amar xiritaan oo caalami ah kadib markii booliska ay ogaadeen in wiilka madaxweynaha uu dalka ka baxay.
Wiilka madaxweynaha ayaa maalmo kahor ku laabtay dalka, si uu maxkamadda uga hor marqaati furo.
Maxkamadda Istanbul ayaa maanta Talaado ah ku xukuntay Maxamed laba sano iyo lix bil oo xabsi ah, taasi oo loo beddelay ganaax lacageed oo dhan 27,300 lira ($900).