Itoobiya oo diiday inay ka qaybgasho shirka IGAD

16 Jan 2024 (Puntlandes.com) Itoobiya ayaa diiday inay ka soo qaybgasho shirka ay ku dhawaaqday dowladda Jabuuti ee ay yeelanayaan Madaxda dalalka IGAD, kaas oo looga hadlayo heshiiskii muranka dhaliyay ee ay wada-saxiixdeen Aby Axmed iyo Muuse Biixi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo warqad u dirtay IGAD ayaa ku marmarsiyootay in ay howla kale ku mashquulsan yihiin, waxayna codsatay in waqti kale looga dhigo.

Waxaa muuqata in Itoobiya ay la daalaa-dhacayso wejigabax diblumaasiyadeed oo ku riixaya inay ka dhuumato fagaarayaasha gobalka iyo kuwa caalamka.

About The Author