DFS oo xayirtay socdaal uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ku tegi lahaa dalka Turkiga

17 Jan 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xayirtay socdaal uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Ciise Kayd uu ku tegi lahaa dalka Turkiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay dawladda Turkiga u sheegtay in aanay dalkeeda ku qaabili karo cid ka socota Somaliland.

Soomaaliya ayaa u muuqata inay Somaliland kasoo handaraabayso albaabada caalamiga ah kaddib go’aankii uu Korneyl Biixi Badda Soomaaliya ku siinayay Itoobiya.

About The Author