Jaamacadda Carabta oo goaan adag ku taageertay mowqifka DFS ee heshiiska Hargaysa & Addis Abeba

17 Jan 2024 (Puntlandes.com) Jaamacadda Carabta ayaa sidii ugu adkayd uga hadashay xiisadda Badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, ee ka dhalatay damaca waalida ah ee Itoobiya ku doonaysao dhulka iyo Badda Soomaaliyeed.

Jaamacaddu waxa ay sheegtay in aan midnimada Soomaaliya laga gorgortami karin, Somaliland tahay dhul Soomaaaliya kamid ah.

Jaamacadda Carabtu waxa ay tilmaantay inay Soomaaliya ku taageerayaan in Itoobiya la geeyo Maxkamadda Adduun.

Jaamacadda Carabtu waxa ay fartay in safiirada u fadhiya Qaramada Midoobey, Midowga Yurub in ay gaarsiyaan wadamadaas in arrinta Itoobiya tahay xadgudub weyn oo aan la aqbali karin.

About The Author