Dowlada Soomaaliya oo celisay diyaarad xamuul ah oo laga leeyahay dalka Thailand oo ku wajahnayd Hargeysa

18 Jan 2024 (Puntlandes.com) Dowlada Soomaaliya ayaa celisay diyaarad xamuul ah oo laga leeyahay dalka Thailand, taasi oo ku wajahnayd magaalada Hargeysa, kana timi magaalada Shaariqa ee Imaaraadka Carabta.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeed Hay´adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed:

Warsaxaafadeed

Muqdisho, January, 18, 2024 – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo maanta oo Khamiis ah 18/01/2024 waxay dib uga celisay hawada Soomaaliya diyaarad nooca xamuulka qaada (cargo) oo ka diiwaangashan waddanka Thailand (registration P4-JAG), taasoo isku dayeysay inay u kala duusho Sharjah iyo Hargaysa.

Diyaaradda ayaa ku guul-darraysatay inay bixiso macluumaadka xamuulka ay waddo (cargo), waxayna qaadatay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed go’aanka sharciga ah oo dhigaya inaysan hawada Soomaaliya soo geli karin diyaarad aan la hayn maclumaadka ujeedka safarka iyo waxa ay sido , waxaana dib looga celiyay diyaaradaa inay soo gasho hawada Soomaaliya.

About The Author