Shirka IGAD oo loooga hadlayo Xadgudubka Ethiopia ee midnimada Soomaliya oo Kambaala ka furmay
18 Jan 2024 (Puntlandes.com) Magaalada Kambaala waxaa ka furmay Shirka Urur-goboleedka IGAD oo loooga hadlayo Ajendeyaal ay ugu muhiimsantahay Xadgudubka Ethiopia ee ka dhanka ah Soomaliya.
Shirkaan oo ay codsatay Dawladda Soomaaliya waxaa ka qaybgalaya Madaxwaynayaasha Soomaaliya, Uganda, Kenya, Jabuuti iyo koofurta Sudan.
Shirka waxaa kale oo goob joog ka ah wakiilo heerkooodu sareeyo kuwaas oo ka kala socda ururada iyo Dawladaha daneeya arrimaha Gobalka Geeska Afrika.
Ururada jooga waxaa ka mid ah Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Midawga Yurub iyo Jaamacadda Carabta,
Waxaa kale oo shirka jooga Wufuud sare oo ka kala socda Dalal ay kala ah Maraykanka,Turkiga, Sucuudiga, Qatar iyo Imaaraadka.
Shirka waxaa awoodiwaysay inay kasoo qaybgasho Ethiopia oo dareemaysa waji gabax ka dib markii Adduunku si isku Mid ah uga horyimid damacooda foosha xun.
Gabagabada Shirka ayaa la rajaynayaa in laga soo saaro warmurtiyeed.