Sawirro: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Jubaland oo Caleemasaarka Deni u yimid Garowe

20 Jan 2024 (Puntlandes.com) Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Golaha Wakiillada Puntland Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe) ayaa maanta Airportka Garowe ku soodhaweeyey wefti uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Golaha Wakiillada Jubaland Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf.

Weftiga oo Garowe u yimid ka qayb galka munaasabada caleemaasarka Madaxda dhawaan la doortay ee Dawladda Puntland ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay xubno kale oo ka tirsan Goleyaasha Dawladda.

Madaxweynaha Jubaland ayaa usoo diray wefdigaan caleemasaaraanka Siciid Deni ay mar kale cimaamadeen Baarlamaan uu soo xushay.

About The Author