XOG: Siciid Deni muxuu u sheegay Xildhibaanada uu usoo qortay Baarlamaanka Puntland qorshihiisa dooarasha madaxweynaha JFS 2026?

20 Jan 2024 (Puntlandes.com)Madaxweynaha Puntland ee Xildhibaanada uu soo xushay ay doorteen 8 dii bishaan Siciid Cabdulaahi Deni oo la kulmay qaar ka mid ah Xildhibaanadii uu usoo qortay Baarlamaanka ayey waxay ogaatay Warbaahinta Puntlandes wixii uu u sheegay.

Siciid Deni ayaa Xildhibaanada u sheegay inuu aaminay kadib markii ay uga soo baxeen balantii ay la galeen markii uu soo xulayey, iyagoo u doortay madaxweynaha Puntland.

Siciid Deni ayaa Xildhibaanada u caddeeyey in 2 sano ka dib marka la gaaro doorashada madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya 2026 uu iyaga u xulan doono 48 Xildhibaan ee ay Puntland ku leedahay labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.

Siciid Deni ayaa Xildhibaanada ugu cataabay inuu doorashadii 2022ka ee Federaalka uu u xushay ”TUUGO” khiyaantay laakiin tan soo socota uu u xulan doono Xildhibaanada uu iminka u soo Xulay Baarlamaanka Puntland oo ah kuwo balan leh uuna aaminay.

About The Author