Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland oo joojisay ka ganacsiga, soo dejinta & isticmaalka qalabka kalluumaysiga ee kala ah, Tooshka iyo Haamaha Macmalka ah ee loo yaqanao ………
21 Jan 2024 (Puntlandes.com) Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland ayaa joojisay ka ganacsiga, soo dejinta iyo isticmaalka qalabka kalluumaysiga ee kala ah, Tooshka iyo Haamaha Macmalka ah ee loo yaqanao “Hoo-Nuug” iyo ka ganacsiga iyo Isticmaalka Shabaagaha Caaga ah, kuwaasi oo la ogaaday inay khatar ku yihiin nafta bini’aadamka iyo Khayraadka Badda.
Sidoo kale Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland ayaa mamnuucday in laga ganacsado Aargoosatada billaha 10-aad ilaa 1-aad ee Sanad Walba, xiligaas oo tarankeedu ku beeganyahay
Sidoo kale waxaa Wasaaradda kalluumaysigu ku wargelisay doonyaha ajnabiga ah ee kalluumaysta in ay ka reeban-tahay imaansha ha meelaha ay kalluumaysatadda Wadaniga ahi ka kalluumaystaan.