Muuqaaal: Dowladda Puntland oo ku dhawaaqday hawlgal ciidan oo amniga Bosaso lagu sugayo

21 Jan 2024 (Puntlandes.com) Gudiga Amniga Gobolka Bari ayaa ku dhawaaqay hawlgal ciidan oo amniga xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso lagu sugayo, taasoo amnigeedu faraha ka baxay maalmihii dambe.

Gudiga amniga gobolka Bari oo shir deg deg ah ka yeeshay xaaladda amni ee Bosaso ayaa sheegay in la bilaabayo hawlgal ciidan oo lagu xasilinayo amniga kadib falal amnidarro oo muddooyinkii danbe ka dhacayay magaalada.

Mas’uuliyiin ka tirsan guddiga amniga iyo saraakiisha Booliska gobolka Bari oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabanayo xaaladda amni ee Boosaaso waxaana ay shacabka ugu baaqeen in ay la shaqeeyaan ciidamada hawlgalka fulinaya.

Guddiga ayaa sidoo kale soo saaray awaamiir lagu xaqiijinayo amniga Boosaaso oo ay ku jirto in aysan cidna hub ku dhex qaadan karin magaalada islamarkaana aan la ogolayn gaadiidka taariko la’aanta ah. Tallaabadan ayaa imaanaysa kadib markii todobaadkan falal amni-darro laga soo sheegay Boosaaso gaar ahaanna xarumaha ganacsiga qaarkood oo lagu weeraray bumbo gacmeedyo.

About The Author