Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka hadlay cudurro ku dhaca caruurta ka yar 15 sano kuwaas oo ka jiray Puntland maalmihii ugu danbeeyay

22 Jan 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Dr Jamac Farax Xassan oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka hadlay cudurro ku dhaca caruurta ka yar 15 sano kuwaas oo ka jiray Puntland maalmihii ugu danbeeyay.

Wasiir Jamac Farax ayaa yiri “Waxaan Maanta halkaan ku qabanayaa shir saxaafadeed muhiim ah oo aan dadweeynaha reer Puntland kula wadaagayo fariin ku saabsan cuduro maalmihii ugu danbeeyay ku soo badanayay Puntland gaar ahaan ku dhacayay curuurta ka yar 15 sano, kuwaasoo kala ah Gawracatada, Jadeecada iyo xiiqdheerta, cudurada ayaa sababay dhimasho caruur kalena ay la jiifaan cisbitaalada.”

Cuduradan ayaa looga hortagi karaa talaal oo kaliya kaasoo laga heli karo xarun kasta oo caafimaad oo ku yaala dhamaan degeenada Puntland, waxaan waalidiinta farayaa inay caruurta ka talaalaan cuduradan halista ah, waxaa jira waalidiin daris la’ah xarumaha caafimaadka in caruurtooda cuduradu ku dhaceen taasoo sababteeda ay tahay inaysan ka talaalin.”Sidii looga hortagi lahaa iyo sida loola macaamilayo haddii ilmaha ku dhacdo”

“Haddii cuduradan ilmaha ku arkaan walidiintu inay geeyaan xarunta caafimaad ee kugu dhaw, xarun kasta oo caafimaad waxay diyaar utahay inay ka dawayso kuna dadaasho caafimaadka ilmaha.”

Ugu danbeyn waxaan farayaa maamulada iyo macalimiinta iskoolada iyo dugsiyada quraanka ay la socdaan xaaladaha caruurta, kuwa xanuusanayana ay fasaxaan si loo daweeyo loogana ilaaliyo inay kuwa kale ugudbiyaan, wasaarada waxbarashada ayaana kala shaqayn doonaa sidii la iskaga kaashan lahaa.”

About The Author