Xil C/raxman C/shakur: Hoggaanka qaranka halkii laga sugayey qorshe & abaabul qaran oo dalka looga difaaco damaca Itoobiya, ayey bedelkeeda ka door bideen xiisad kicin & xasarad abuur ah

23 Jan 2024 (Puntlandes.com) Kulan wadatashi ah ayaa waxaa isugu tagay qaar ka mid ah xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka, iyagoo ka wadahadlay damaca itoobiya iyo xiisadda dastuur beddelka.

Hoos ka akfhriso qoraalka Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur:

Waxaan maanta kulan wadatashi ah isku nimid qaar ka mid ah xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka oo aan iska warsanay damaca itoobiya iyo xiisadda dastuur beddelka. Waxaan isla garanay in wax ka beddelka dastuurka uu yahay waajib saaran labada gole ee Baarlamaanka, laakiin uu meelmar noqon karin ilaa laga dejinayo xeer ay labada gole ee Baarlamaanka ku wada shaqeeyaan sida uu dhigayo qodobka 62aad, faqradiisa 2aad ee dastuurka.

Qorshaha la damacsan yahay in maalinka beri ah gacan taag iyo qardaxjeex lagu ansixiyo hanaanka loo marayo dib u eegista dastuurka waa mid baalmarsan dastuurka iyo sarraynta sharciga, islamarkaana kala qaybinaya ummadda Soomaaliyeed, xilli ay ugu baahi badan tahay midnimada iyo wadajir ay dalkooda kaga difaacdaan damaca Itoobiya.

Hoggaanka qaranka halkii laga sugayey istiraatiijiyad, qorshe iyo abaabul qaran oo dalka looga difaaco damaca Itoobiya, ayey bedelkeeda ka door bideen xiisad kicin iyo xasarad abuur siyaasadeed oo kala dhantaalaya muruqa, midnimada iyo wadajirka ummada.

Waxaan dadka Soomaaliyeed ku marag gelinaynaa in madaxda qaranka ee fulinta iyo guddoonka labada gole qaadayaan masuuliyadda wixii ka yimaada ficillada lagu qaybinayo ummada Soomaaliyeed xiligii ay midnimo ugu baahi badnayd.

About The Author