C/raxmaan C/shakuur oo u soo jeediyay MD Xasan Sheekh inuu dhiso Gole Difaac Qaran, Xukuumad badbaado Qaran oo aqoon, xirfad iyo waayo aragnimo lagu xulay

26 Jan 2024 (Puntlandes.com) Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u gudbiyay talooyin togan oo ku aadan dhinaca Itoobiya iyo tallaabooyinka habboon ee loo baahan yahay in Madaxweynuhu qaado, si looga hortago damaca gurracan ee Itoobiya.

C/raxmaan C/shakuur ayaa u soo jeediyay Madaxweynaha illaa todobo qodob oo ay ka mid yihiin inuu dhiso Gole Difaac Qaran, Xukuumad badbaado Qaran oo aqoon, xirfad iyo waayo aragnimo lagu xulay, in dhaqse u xusho Ergo iyo kaadir diblomaasiyadeed oo ka shaqeeya danteena qaran ee dunida nooga jira, dhinacna uu iska dhigo dhaqankii hore ee qabiilka iyo qof qancinta lagu bixin jiray xilalka diblomaasiyadda.

About The Author