Dawladda Itoobiya oo qoraal ku sheegtay in ay kahor saxiixa Is afgaradkii ay lagaleen Somaliland ay ogeysiiyeen dawladda Faderaalka ee Soomaaliya

27 Jan 2024 (Puntlandes.com) Wasaaradda Arrimaha dibada ee dawladda Itoobiya ayaa qoraal ay u dirtay Madaxweynaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay ka hor saxiixa Is afgaradkii ay la galeen Somaliland ay ogeysiiyeen dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & dalalka gobalka oo dhan.

Sidoo kale qoraalka ayeye ku difaacay Is afgaradkaas, iyadoo kgu sheegtay mid dan u ah nabadda Geeska Afrika, Itoobiyana u sahlaya in ay hesho Marin Badda Cas ah.

Itoobiya ayaa sheegtay in aan loo baahnayn in Golaha Ammaanka QM ka doodan ajendahaan, maadaama ay golaha Amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika qaraar ay ka soo saareen kuna magacaabeen Ergayga dhexdhexaadinta labada dhinac, kaas oo ay la shaqeynayso dawladda Itoobiya.

Waraaqahan ayaa shalay loo diray xarunta UN-ka ee New York, dawladda Itoobiya ayaa waxay si indhola´aan ah waxay u difaacaysaa heshiiskii sharcidarada ahaa ee ay la gashay Hargaysa kaas oo ay ku qaadanayso dhul iyo Bad Soomaaliyeed.

About The Author