Xil C/raxmaan C/shakuur ”Itoobiya qof iyo qabiil dirac nagama celin karo ee Qaran Dirac ah ayaa naga dhicin kara, dadka qaranka u adeegaya waa lagu xulo karti iyo hawlkarnimo”
27 Jan 2024 (Puntlandes.com) Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook uga falceyey qoraalkii dawladda Itoobiya uga codsatay Golaha Amaanka UN in aan loo baahnay kulan looga dooday khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya ee ay ku doonayso inay ku qaadato dhulkeena iyo Baddeena, halkaan ka akhriso qoraalka Itoobiya.
Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya in la joogo waqti baahi baahi badan ay Soomaaliya u qabto in madaxda u adeegaysa aan lagu soo xulin qabiil iyo xigto ee loo baahn in dadka qaranka u adeegaya lagu soo xulo karti iyo hawlkarnimo.
Hoos ka akhriso qoraalka Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur:
Qoraalkan Dawladda Itoobiya ayaa u dirtay safiirkeeda u fadhiya Qaramafa Midoobay si loo baajiyo dood uu Golaha Ammaanka ka yeesho is-afgaradkii ay 01/01/24 Itoobiya iyo Soomaaliland kala saxiixdeen. Nuxurka Qoraalka ayaa ah;
1- Itoobiya waxay ku andacoonaysaa in dekadda ay doonayso ay tahay mid ganacsi qaybna ka ah xiriirkii iskaashi ee kala dhexayn jiray Somaliland ee dhanka badda, ganacsiga, maalgashiga, beeraha, caafimaadka, ammaanka, waxbarashada, tamarta, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
2- Waxay kaloo sheegeen in ay dawladda Soomaaliya ee Federaalka ah ogeysiiyeen, sidaa darteedna aysan meel uga dhicin xeerka Qaramada Midoobay iyo Midowaga.
3- Waxay kaloo Itoobiya sheegtay in Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika uu gacanta ku hayo arrinka, una magacaabeen Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo in uu dhexdhexaadiyo ka noqdo, taasna ay diyaar u yihiin sidaa daraaddeedna aysan meel uga banaanayn Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Haddaba ujeedka qoraalku waa in ay Itoobiya marin habaabiso, jahawareerna ku riddo Golaha Ammaanka, iyadoo ku doodaysa in heshiisku uusan xadgudub ku ahayn gobonnimada iyo madaxbanaannida Soomaaliya, xiisadna ka dhex abuuraynin labada dawladood dhexdooda, xasillooni-darrina ka dhalinaynin gobolka. Si taasi u meelmartana waxaa:-
1- Qoraalku lagu sheegay in dekeddu tahay mid ganacsi, maadaama ganacsiga uu yahay arrin dunidu wada ogoshahay.
2- Wuxuu ka aamusay ictiraafka Somaliland, wuxuuna ka gaabsaday ka hadalka saldhigga milateriga.
3- Wuxuu sheegay in ay ogeysiiyeen dawladda Soomaaliya, si loogu suureeyo in Is-afgaradka uu la mid yahay kuwii ay horay ula geli jireen Somaliland.
5- Wuxuu taageerayaa go’aanka Golaha Ammnaaka ee Miwoga Afrika ee iyaga danta u ahaa iyo dhexdhexaadinta Obasanjo oo lagu yaqaan u qareemidda ictiraaf raadinta Somaliland.
Shalay Golaha Dhexe ee Xisbiga Itoobiya xukuma wuxuu meelmariyey in Is-fagaradka loo beddelo heshiis buuxa oo dhaqangal ah. itoobiya wadda kasta ayey u maraysaa in ay xaqiijiso hadafkeeda helitaanka bad.
Waxaan ku celinayaa Itoobiya qof iyo qabiil dirac nagama celin karo ee Qaran Dirac ah ayaa naga dhicin kara.
Hoggaanka dawlada waa in uu aragtidii iyo dhaqankii hore wax ka beddelaa, garaystaana in aan maanta ugu baahi badanahay;
1- Midnimo iyo wadajir dhinacna la iska dhigo khilaafka, xafiiltanka iyo rag iska dhicinta.
2- In dadka qaranka u adeegaya lagu xulo karti iyo hawlkarnimo, meeshana laga saaro hebel qancinta, kooxaysiga iyo qof jeclaysiga.