Dhageyso: Madaxweyne Gaas oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeey maalmaha xoriyadda Soomaaliya

155b

25 jun 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyey maalmaha xoriyadda Soomaaliya oo inagu soo aadan wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya ‘’waxaan ugu horeyn hambalyeeyn maalinta 26-juun oo ah maalintii ugu horaysay ee dalka laga taagay calan Soomaaliyeed iyo maalinta xigta oo 27-juun ah oo ah maalintii xoriyadda walaalaheena Jabuuti iyo sidookale maalinta 1-da luulyo oo iyana nagu soo aadan”

Madaxweynaha ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan umadda reer Puntland u rajeeyey in sanadkaan sanadkiisa kale ay ku gaaraan Nabad iyo Barwaaqo , rabina uu ka saaro dhibaatooyinka dalka kajira wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya ‘’waxaan rajeynaynaa inagoo mid ah Soomaali ah meelna uwada socda in aynu hanano dawladnimadeeni iyo qaranimadeeni si buuxda oo wanaagsan , dawladnimo Soomaaliyeed ayaa dhammaanteen ina deeqda‘’

Madaxweynaha ayaa uga digay madaxda DFS oo ku hawlan burburinta Federaalkii ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay iyagoo ka weeciyey wadadiisii.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Gaas ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyey shacabka iyo dawladda Jabuuti sanadguuradooda 38-aad ee ka soo wareegatay xornimadoodi.

Dhageyso hambalyada madaxweyne Gaas


Puntlandes.com
 

About The Author