Abiy Ahmed oo kahadlay khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya

27 Jan 2024 (Puntlandes.com) Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo ka dhashay heshiiskiisii qar iska xoornimada ahaa ee uu la galay Muuse Biixi.

Ra’iisul Wasaare Abiy oo isku ekaysiinaya mid gardhiganaya ayaa waxaa uu ku dooday in maamulkiisu uu yahay midkii ugu horeeyay taariikhda Itoobiya ee taageero u muujiya midnimada Soomaaliya.

Abiy ayaa wuxuu taas marqaati ugu soo qaatay in uu hadda ka hor diyaaraddiisa khaaska ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo oo uu ka dejiyay Kenya, si uu ula soo heshiisiiyo Uhuru Kenyata iyo inuu qeyb ka ahaa dadaaladii uu isugu keenay Farmaajo iyo Muuse Biixi ku kulansiiyay Itoobiya iyo Jabuuti.

Abiy oo colaadda gudaha dalkiisa ka taagan ay sii xoogeysanayso, ayaa isagoo la hadlay xubnaha Xisbigiisa waxa uu ku sheegay inay jiraan dhinacyo caalami ah oo Soomaaliya u soo adeegsanaya dagaal wakaaladeed ka dhan ah Itoobiya. Laakiin dhankooda ayuu ku faanay inay adeegsanayaan xikmad iyo qaangaarnimo ay uga fogaadaan colaad dhex marta iyaga iyo Soomaaliya.

Wuxuu kaloo xusay in mar kasta ay caalamku Itoobiya uga baahdaan ciidamo, qammadi iyo wax soo saar kale, balse ceeb iyo dambi loo arko marka ay timaado in Itoobiya iyada wax la siiyo, isagoo ula jeeda Badda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Abiy ayaa ku dooday inay Itoobiya ka shaqaysay midnida Soomaaliya iyadoo kulansiisay MD Farmaajo iyo Muuse Biixi, waxay heshiisiisay Soomaaliya ityo Kenya, waxay kaloo heshiisiisay Sudan dhexdeeda, wuxuuna is waydiiyey maxaa loo waayey dal deris ah oo u istaaga inuu nasoo dhexgalo.

About The Author