Xasan Sheekh oo gaarey magaalada Roma ee dalka Talyaaniga

28 Jan 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa gaarey magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, halkaasi oo uu uga qayngeleyo shirka Afrika iyo Talyaaniga.

Madaxweynaha ayaa sidoo kalena kulamo la yeelan doona madax iyo mas’uuliyiin ay ka mid yihiin:

– Mudane Azali Assoumani, Madaxweynaha dalka Comoros, ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika.

– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto.

– Madaxweynaha dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki.

– Agaasimaha Maamulka ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) Marwo Kristalina Georgieva,

Dhanka kale waxa shirka ka qaybgalaya Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed mana cadda inay kulmaan, kana wada-hadlaan xiisadda ka dhalatay damaca Badda.

About The Author