Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay inay MD Xasan Sheekh iyo Abiy ku kulmayaan Talyaaniga

29 Jan 2024 (Puntlandes.com) Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyey in aanay qorshaysnayn kulamo dhexdhexaadin ah oo dhexmari doona madaxda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya illaa dawladda Itoobiya ay ka laabanayso go’aankii ay isafgaradka kula saxiixatay Somaliland.

Agaasimaha Xiriirka madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Dige ayaa u sheegay VOA in kulamo dhexdhexaadin ah aysan ka dhici doonin Talyaaniga iyo meel kaleba.

“Mowqifkaan waxa uu waafaqsan yahay mowqifkeenii ahaa in aanay wax dhexdhexaadin ah dhici doonin illaa Itoobiya ay ka laabanayso MoU-da sharcidarrada ah, ayna ka xaqiijinayso gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya” ayaa ku sheegay qoraal uu VOA usoo diray Cabdulqaadir Cali Dige.

“MoU-du keliya xadgudub kuma aha xuquuqda dhuleed ee Soomaaliya, waxay sidoo kale boqnogoynaysaa mabaadii’da xeerarka caalamiga ah iyo xasilloonida gobolka. Dawladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an u hoggaansanaanta mabaadii’dan, waxayna diyaar u tahay inay la macaamisho dhammaan saaxiibada caalamka oo ay ku jiraan AU (Midowga Afrika), UN (Qaramada Midoobay), iyo (urur goboleedka) IGAD, xiriir ku salayn kala faa’iidaysi salka ku haya xeerarka caalamiga ah oo horseedi kara horumar dhaqaale iyo barwaaqada oo la wadaago,” ayuu intaas ku daray.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay labaduba haatan ku sugan yihiin magaalada Rome oo ay kaga qaybgalayaan shirka madaxda Afrika iyo kuwa Talyaaniga.

Dawladda Itoobiya iyaduna dhinaceeda ma sheegin kulan u qorshaysan labada dhinac.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in Abiy Axmed ay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha FAO siisay abaalmarin la xiriirta mowqifkiisa ku aaddan cuntada, nafaqada iyo hal-abuurka la xiriira isku filnaanshaha dhinaca qamadiga.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkaasi looga hadli doono kobcinta iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ee dhinacyada helitaanka cuntada, dhaqanka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Shirkaas ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo arrimaha muhaajiriinta, isku socodka dadka iyo amniga, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

About The Author