Wasiirka Maaliyadda Jabuuti “MD Geelle xanuun maskaxiyan ah ayuu ku riday Fahad & kooxdii guuldarreysatay”

30 Jan 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Maaliyadda dalka Jabuuti, Ilyaas Dawaleh oo si adag uga jawaabay eeddii uu Fahad Yaasiin u jeediyey Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle: “Madaxweyne Geelle xanuun maskaxiyan ah ayuu ku riday Fahad iyo kooxdii guuldarreysatay. Taas waxa ay ka dhigan tahay fursad kasta oo ay helaan waxa ay ku muunad xumeynayaan Madaxweyne Geelle,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter.

“Haddii ay Ri ku dhimato gobolka Gedo, waxaa dilay Madaxweyne Geelle. Haddi ay duq gabowday ku turun turooto Muuqdisho, Madaxweyne Geelle ayaa ka dambeeya.”

“Taariikhda Ismaaciil Cumar, xumaanta iyo cayda Fahad waxba ka beddeli meyso. Soomaali dhammaanteed ayaa marag ka ah. War ileen cimrigaaga oo dheeraada, geel dhalaya ayuu ku tusaa.”

“Raali ahaada kuwa nacaybka qabow, cuna kaniin madax xanuun.” ayuu yiri Wasiir Dawaleh.

About The Author