Daawo Video: Wasiirka Maaliyadda PL oo Baarlamaanka ka codsaday inay dib u eegid ku sameeyaan Miisaaniyada PL
25 jun 2015 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa maanta Baarlamaanka ka codsaday inay dib u eegid ku sameeyaan Miisaaniyada Puntland ee sanadka 2015, taasoo ay dawlada Puntland ku darsatay Lacag gaaraysa 23 miljan oo doolar oo ay sheegeen in Bangiga Aduunku ku caawinayo Puntland.
Lacagtaas ma siin Bangiga Aduunku dawlada Puntland waxaana hore uga digay Warbaahinta Puntlandes oo ay ka hawlgalaan dhaqaaloyahano inay qalad ahad in lacag aan la hayn lagu soo daro Miisaaniyadda, halkan ka akhri qoraaladii Warbaahinta Puntlandes ka qortay
Daawo wasiirka Maaliyadda oo Baarlamaanka ka codsanaya dib u eegid Miisaaniyadeed
Puntlandes.com