Sawirro: Madaxweyne Laftagareen oo kormeeray baraha kontorool ee laga ilaaliyo Amniga Baydhabo

03 Feb  2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Kormeeray baraha kontorool ee laga ilaaliyo Amniga Magaalada Baydhabo isagoo Ciidamada ku sugan halkaas kula dardaarmay in ay xoojiyaan Sugidda Amniga iyo ka hortagga falalka gurracan ee cadowga Khawaarijta.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale Kormeeray Saldhiga Booliska Magaalada Baydhabo halkaas oo uu kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska oo uu ka dhagaystay Warbixin ku saabsan howlaha Amniga.

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayay Wasiirka Amniga KGS, Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xooga Dalka, Taliyaha Ciidanka Booliska Qeybta Gobolka Baay, Taliyaha Saldhiga Degmada Baydhabo iyo Taliyaha Ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed.

About The Author