Golaha Shacabka oo berri yeelanaya kulan looga hadlayo arrimaha siyaasadda & go’aamada masiiriga ah ee dalka, Maxaa cusub???

04 Feb  2024 (Puntlandes.com) Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS ayaa maalinta berri oo Isniin ah u madlan kulan looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka. Farriin loo diray Xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay ajandaha kulanka berri oo taariikhdu tahay 5 February 2024.

Lama yaqaan in kulankaan uu jawaab u yahay Baarlamaanka dalka Itoobiya oo u madlan maalinta berri ah kulan ay ku ansixinayaan Is-Afgaradkii Abiy iyo Muuse Biixi.

Sidoo kale waxaa shir yeeshay Ciidanka Itoobiya uu sheegay taliyahoodu inay Ciidamo u daabulayaan Soomaaliya haddii uu Baarlamaanku ansixiyo, taas oo ka dhigan waa sida uu sheegaye inay Somalland tahay dal ka madax banana Soomaaliya.

Dhanka kale kulankaan ayaa kusoo aadaya iyadoo uu jiro khilaaf la xiriira wax ka bedeka Dastuurka dalka oo uu dabada ka riixayo madaxweyne Xasan Sheekh.

About The Author