Akhriso-Warsaxaafadeed: Puntland oo eedaysay Jawaari, wax kama jiraana ku tilmaantay Xeerarka DFS iyo maamulka ay Cadaado ka dhisayso
25 jun 2015 (Puntlandes) Waxaa maanta oo khamiis ah isugu yimid shirkoodi Khamiisleha ahaa Golaha Wasiirada Puntland, waxaana shir guddoominaayey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas. Shirkaan oo ka duwanaa shirarkii hore ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ugu muhiimsanayd:
- Amniga Puntland
- Maamulka DFS ka dhisayso Cadaado
- Sharci ahaanshaha iyo meel marinta Xeerarka heer Federaal
- Dhismaha Garoonka kumeelgaarka ah ee Caasimadda Puntland maadaama la bilaabayo kii weynaa
Qodobka 2aad ayey Goluhu aad ugu dheeraadeen iyagoo markii ugu horaysay eedaayn baaxad wayn usoo jeediyey Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Cadaado waxayna dawladda Puntland Warsaxaafadeedka ku sheegtay inuu Gudoomiyaha Baarlaamnaka caadaystay jabinta Dastuurka DFS iyo Cadaawad uu u hayo Shacabka iyo dawladaha Puntland iyo Jubbaland.
Golaha Wasiirada Puntland waxay kaloo eedeeyeen qayb ka mida Beesha caalamka oo ka qayb qaadatay waxyeelaynta shuruucda Federaalka Soomaaliya waxayna ku dareen inay taasi wax u dhimayso dhexdhexaadnimadoodii.
Waxay kaloo Golaha Wasiirada Puntland sheegeen inaysan aqoonsanayn lana shaqaynayn maamulka ay DFS ka dhisayso Cadaado iyagoo intaas ku sii daray inay Puntland ka hor tagayso isku dayga lagu raadinayo kala qaybinta dhulka iyo dadka Puntland ee ay hormuudka u tahay DFS.
Golaha Wasiirada Puntland waxay isku raaceen inaysan aqoonsanayn xeerarka iyo guddiyada madax banaan ee laga dhawaaqo Xamar, waxayna ku tilmaameen kuwo aan Sharciga waafaqsanayn..
Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadley Dhismaha Garoonka kumeelgaarka ah ee Caasimadda Puntland maadaama la bilaabayo kii weynaa taasoo meel fiican maraysa sida ay Wasaarada Duulistu sheegatay.
Ugu dambayn shacabka Puntland waxay ka sugayaan dawlada uu madaxweynaha ka yahay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas inuu iska daayo af ka hadalka oo uu isticmaalo qodobka 4aad ee Datuurka Puntland maadaama Federaalkii laga weecday ayna sii dabdheeranayso arrintani.
Akhriso Warsaxaafadeedkii Golaha wasiirada