Daawo Video: Wasiirka Warfaafinta PL ”Puntland waxay ka fiirsanaysaa ka mid ahaanshaha DFS”
26 jun 2015 (Puntlandes) Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo shir jaraa’id ku qabtay shalay galab Madaxtooyadda Garowe ayaa aad u dhaliilay madaxda DFS isagoo ku eedeeyey inay taageereen maamulka laga dhisayo Cadaado ee ay DFS hogaaminayso.
Madaxwaynaha DFS Xasan Shiikh Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Jawaari iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayuu Soocade ku tilmaamay hadalo ay jeediyeen kuwa xaqiiqada ka fog.
Wuxuu sheegay Soocade Puntland inaysan aqoonsan doonin maamulka lagu dhisayo Cadaado ilaa lagu saleeyo Dastuurka Dalka oo dhigaya labo gobal iyo wax ka badan inay maamul noqon karaan.
Wasiir Soocade ayaa cadeeyey inay Puntland ka fiirsanayso ka mid ahaanshaha DFS ee hareermartay Faderaalkii iyo Dartuurkii lagu heshiiyey.
Wasiir Soocade ayaa sidoo kale waxa uu aad u dhaliilay qaar ka mida Beesha Caalamka oo soo dhawaysay maamulka Cadaado laga dhisayo oo aan waafaqsanayn Dastuurkii lagu heshiiyey.
Daawo Wasiirka warfaanta Puntland
Puntlandes.com