Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyed “waxan shacabka Soomaaliyed kuwargelinaynaa in aysan waxba iska beddelin mid ahaanta & maamulka hawada Soomaaliya”

13 Feb  2024 (Puntlandes.com) Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa caddaysay in aysan waxba iska beddelin mid ahaanta iyo maamulka hawada Soomaaliya.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu dawladda Federaalka kala soo wareegay maamulka hawada Soomaaliya qaybta uu ku leeyahay.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:

War-saxaafadeed

Muqdishu, February 13, 2024-Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaysaa in aysan waxba iska beddelin mid ahaanta iyo maamulka hawada Soomaaliya, ayna masuul ka tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya. Hawada dalkeennu waxay leedahay magac soo jireen ah kaas oo la isticmaali jiray laga soo billaabi 1960; “MOGADISHU FLIGHT INFORMATION REGION (FIR).”

Diyaaradaha mara hawada dalkeenna waxay helaan mid kamid ah adeegyada ugu badqabka sarreeya adduunka, taas oo keentay in hawada Soomaaliya si heer caalami ah loogu aqoonsado heerka ugu sarreeya ee “Class-A Airspace.”

—Dhammaad-

About The Author