Sawirro-Muuqaal: Somalia & Mareykanka oo kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo Mareykanku  shan saldhig ciidan uu u dhisayo Ciidanka DANAB

15 Feb  2024 (Puntlandes.com) Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo Mareykanka shan saldhig ciidan uu u dhisayo Ciidanka uu tababaro ee Kumaandooska DANAB.

Heshiiskan ayaa waxaa saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur iyo Sii Hayaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kuxigeenka Kaaliyaha Xogahaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika.

Mareykanka ayaa waxaa horay saldhig ugu lahaa Garoonka Ciidamada Cirka ee Balli-doogle iyo Garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasoo uu ku tababaro Kumaandooska DANAB.

About The Author