Sawirro: Gaadiidka badan oo lagu xanibay kontoroolka bari ee caasimadda dawladda Puntland ee Garowe

16 Feb  2024 (Puntlandes.com) Waxaa kaantaroolka bari ee caasimadda dawladda Puntland ee Garowe dhowr maalmood ku xanniban gaadiid badan oo ah kuwa xamuulka qaada, kuwaas oo u kala goosha gobolada dalka.

Gaadiidkaan ayaa intooda badan waxay u raran yihiin gobolada koonfureed ee dalka, iyagoo sida xamuul culus.

Ciidanka Duufaan oo ka tirsan ciidamada Difaaca Puntland oo ka cabanaya mushar la’aan ayaa xirey kaantaroolka, taasoo hakad-gelisey isku-socodka gaadiidka ee dekedda Bosaso iyo gobolada kale.

Gaadiidleydaan ayaa hore uga cabanayey cashuur badan, haatanna waxa ugu darsamay ciidamo mushar la’aan tirsanaya oo maalinba jid xiranaya.

About The Author