Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gudoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga hadlay dardargalinta hawlgallada ciribtirka khawaarijta, dhammeystirka bixitaanka ATMIS…..
27 Feb 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga hadlay dardargalinta hawlgallada ciribtirka khawaarijta, dhammeystirka bixitaanka ATMIS, iyo diyaar garowga qorshaha howlgalka kooban ee lagu xaqiijinayo amniga marka dalka ay ka baxaan ciidanka ATMIS .
Madaxweynaha oo dhageystay warbixin ku saabsan qorshaha horumarinta amniga dalka, ayaa ku adkeeyay hay’aduha amniga in ay ka dhabeeyaan hirgelinta Habraaca Xakameynta Hubka iyo Rasaasta ee lagu maamulayo dalka, kaddib qaadistii cunaqabateynta hubka, waxa uuna tilmaamay in guusha laga soo hoyey qaadista cunaqabataynta hubka ay aas-aas u ahayd hirgelinta qorshaha ilaalinta saanadda iyo hubka Ciidamada Qalabka Sida.