Muxuu ku salaysan yahay muranka sababay in duulimaadyada gudaha ee garoonka Aadan Cadde uu hakad ku yimaado?

06 Mars  2024 (Puntlandes.com) Waxaa maalintii labaad hakad ku jira duulimaadyada gudaha (Local) ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo shacab fara badan ku cadiban yihiin garoonka qeybta Local-ka, kaddib markii Shirkadaha Diyaaradaha lagu soo rogay in rakaabkiiba laga qaado 9 dollar.

Muranka ugu weyn ayaa u dhaxeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Shirkaddaha Diyaaradaha oo ku saabsan in lacagaha xogta Rakaabka lagu kordhiyo qiimaha Ticketka iyo in aan lagu kordhin oo shirkadaha duulimaadka doonayaan inay lacagta 9-ka dollar ku kordhiyaan qiimihii hore ee Ticketka, halka Wasaaradda Gaadiidka ay dooneyso in aan waxba laga bedelin qiimaha Ticket-kii hore la qaadayay.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Shirkad lagu magacaabo Hornlink ay la soo kordhiyay nidaam cusub oo amniga xogta rakaabka diyaaradda raacaya oo ay ka wada shaqeyanayaan Laamaha Amniga iyo Wasaaradda Gaadiidka. Shirkaddan Hornlink oo Ganacsato leeyihiin ayay Wasaaradda Gaadiidka qandaraas ku siisay inay uruuriso xogta Rakaabka raacaya diyaaradaha oo soo kordhisay system cusub oo lagu ogaanayo xogta rakaabka.

About The Author