Dagaalkii Gaalkacyo 1991 iyo Shirka Cadaado maxay iska -shabbahaan?
Hordhac
Jamhadihii burburiyey Qarankii Soomaaliyeed, waxay lahaayeen mabaadi’i iyo xeerar ay ka duulaan, waxaana dhamaantood ugu qornaa in ay la dagaalamayaan Kelitalisnimo, xidideysatey, inkasta oo dhamaantood xeerka Jamhadda ay been ka sheegi jireen isla markaana dulmi ba’an ku hayeen shacabka, ayaa waxaa Xukuumaddii lala dagaalamayey meyd-garaacdey oo libintii sheegatey Jamhaddii USC ee ay ku mideysnaayeen inta badan beelaha Hawiye haba u kala badnaadeene.
Jamhadda waxaa u suurta gashey in ay Rajiimkii tuuraan oo kursiga ka kiciyaan 26 Janaayo 1991, tani waxay ahayd waxa ugu weyn ee loo dagaalamayey, maxaa dhacay kadib? 25 Feberaayo 1991 ayaa la sheegaa Cali Geedi Shaadoor (AUN) in uu yiri Siyaad Barre (AUN) dalkan 21 sano ayu ka talinaayey, dhib badana waa geystey, haddii aan USC nahay waxaan ka talineyney 21 Maalmood, maalmaha aan talada hayney wixii USC geysatey ayaa ka daran oo ka dhib badan wixii 21 sano dhacay, haddii aan sidaan ogahayna USC ma noqdeen!.
Magaalada Gaalkacyo oo si weyn looga farxey dhicitaankii Tawradii Siyaad Barre, oo ka mid ahayd magaalooyinka calaamadda dhibbanaha noqdey sida maamulkaasi ula dhaqmey dadkaas, iyada oo dadka USC waagaas wax dhibaato ah aysan soo gaarin in ay maamulkaas garab istaagaan maahee, Gaalkacyo oo nabad lagu wada joogo, oo ay tusaale cad u tahay dadkuba in aysan dagaal qorsheysan oo Taangiyada dagaalka guryaha lagu xeraystey, aroos iyo alalas la dhex dabaalanayo, Ciidamadii Xukuumaddii la ridey ay is-wada dhiibeen waxna ay ka mid noqdeen USC, ayaa habeenimo Jimce baxayso, Sabtina soo geleyso, xilliga daakiraada ee Diiqu aadaamaayo, taariikhda miilaadigu tahay 02 Maarso 1991 ayaa USC oo hubkii Dowladda wadata soo gashey Gaalkacyo, magaalada ma rajiimkii lala diriraayey ayaa jooga?, maxaa Jamhaddu Gaalkacyo ku dooratey in ay xiligaas weerarto?, maxaase dhacay habeenkaas?
USC waxay Gaalkacyo muddo 12 saac ah ku dishey dad ka badan 500 oo qof, waxaa ka mid ahaa dad birimageydo ah, caruur iyo haween, waxaa magalada banaaanka looga saarey muddo 12 saac gudsheed ah dadkii deganaa oo dhan!, waxaa la dhacay hanti maal iyo moodba leh, waxaa la gubey guryihii, waxaa lagu xadgudbey sharaftii gabdhaha Soomaaliyeed. Intaasiba hadhacdee, waxaa la is-weydiinayaa Maxay tahay sababta ay ku muteysteen dadkaani in sidaas loo galo? Ma rajiimmii ayey ka tirsanaayeen mise magac ayey la wadaageen? 26 maalmood kadib qabsashadii USC ee Gaalkacyo waxaa dadka gobolka degan u suurta gashey in ay magaaladoodi dib ugu noqdaan. USC kama waantoobin in ay dagaaloo gaadmo ah soo qaadaan taas oo kaliftey in ciidamadii ku hawlgalayey SSDF ay tagaan Wisil, Wargala iyo Cadaado oo maanta lagu shiraayo sanadkii 1992 -1993.
Sanadkii 1993, Heshiis loogu magacdarey “WIXII DHACAY-HEEDHE-DHECE” ayaa Gaalkacyo lagu soo wada degey, su’aashuse waxay tahay yaa ka talinaayey markii heshiiskaas dhacayey, ma magaalo cidla ah ayey ahayd, oo dhinacyada laga wada fadhiyo, Jawaabtu waa Maya! dabcan ninka isaga oo awood u leh in uu sidaas ku haysto magaladiisi oggolaadey in uu nabad qaato waxaa lagu tilmaami karaa qof nabadda jecel. Afar xaafadood ayey ka koobneyd markaas Gaalkacyo, saddexdii xaafadood ee dadka Waqooyiga Mudug degaa waa dhisteen, dabaqyo ayey ka taageen, gurahaha midabka cad ayey mariyeen ee nabadda, ganacsigii waa soo laabtey. Sanad kadib asaaskii Puntland , iyo 5 sano kadib Heshiiskii 1993 ayaan booqdey Gaalkacyo aniga qoraaga ah, Baraxley aamin bax ayey ahayd, lama dhisin, guryaha saqafku waa ka maqan yahay, beeshu maalintii magaalada waa ka ganacsataa oo Caanaha, Xaabada iyo Xoolaha ayey keenaan habeenkiina tuulooyin kale ayey u hoyotaa, Gaalkacyona waxay mar labaad noqotey mid kamid ah magaalooyinka ugu weyn Soomaaliya, isla markaana buundo u noqota isku xirka ganacsiga Soomaaliya.
Intaas haddii aan uga gudubno hordhaca qormadan oo biya dhaceedu dheeraan doonin, ayaan uga goleeyahay, 25 sano kadib dagaalkii Gaalkacyo ee beeluhu si rasmi ah looga heshiin welina laga jawaabin wixii habeenkii 02 Maarso 1991 loo laayey 500 oo qof, oo qoriga caaradiisa ayaan idinku qabsan socon weydey, ayaa maanta mar kale muuqdaa in calankeedi la taagey, oo Dowladdii Soomaaliyeed ee la wada dhistey ay hormuud ka tahay.
Puntland markii la dhisaayey 1998, ma jirin Dowlad Soomaaliyeed haba yaraatee, xitaa raad la raaco ma jirin, Axdi ama Cahdi ayaa lagu dhisey Puntland Axdigaas ayaana asal u ah dhismaheedi iyo marjaceedi, ma jirin qodob ay ilaaliso oo sheegaya laba gobol iyo ka badan ayaa noqon kara maamul goboleed, qodobkaas waxaa la sameeyey Puntland oo jirta 7 sano, Axdiga Puntland lagu asaasey wuxuu sheegey xuduuda ay leeyihiin, waxaana laga reebey dhamaan magalooyinka Beelaha aan ka soo qaybgelin Shirkii Garoowe 1998 ay degaan sida Xarardheere iyo waxa hoos yimaada iyo Hobyo oo ka mid ah shanta degmo ee Gobolka Mudug ka kooban yahay.
Shirka Cadaado
Shirka Cadaado ka socda waxaa wadda Dowladda federaalka, ka hor shirkan waxaa dalka ka dhismey laba maamul Jubaland iyo Koonfur Galbeed, Dowladda federaalku midna dhaqaale kuma bixin, dagaal ayeyba ku qaadey iyo carqaladeyn. Shirka Cadaado waa shirkii u horeeyey ee Dowladda Federaalku dhaqaalihiisa bixiso “Durbaan garabka hakuugu jiro ama gacalkaa ha kuu hayo”, Xildhibaanada Federalka ayaa ku eedeeyey Dowladdu in Mushaharaadkii shaqaalaha ay u leexisey Shirka Cadaado.
Shirka Cadaado waxa uu ku soo beegmey iyada oo dalka ka jiro Dastuur Federaal ah, waxaana uu si wanaagsan u qeexayaa qaabka loo dhisaayo Dowlad Goboleed, qodobkaas waxaa baal maray oo jebiyey Dowladda Federaalka ah oo gar & gardaraba ku dooneysa in Beelaha Hawiye helaan ugu yaraan laba maamul goboleed iyo Caasimadda oo Soomaali ka dhexeyn jirtey ka hor 1991.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si toos ah oo aan gabasho lahayn u sheegay in magaca Mudug sheegasho ahaan loo isticmaalayo maadaama Buntland ay sheegato Mudug, waxaan horey u soo sheegney wax walba wixii lagu dhiso ayaa asal u ah Axdigii Puntland lagu dhisey waa qeexay Mudug waxa loola jeedo. Sharciyadda waxaa ka xaaraam ah waxa loo yaqaan Xeelaysiga, Yuhuud ayaa laga xarimey baruurta, markaas ayey shiileen oo qalajiyeen oo oo cunud uyo iibgeynba ku sameeyeen iyaga oo ku sheegaya in aysan baruur ahany, waana lagu lacnadey. Waxbadan ayaa Dastuurka federaalka lagu sheegay in uu iska hor-imaanayo laakiin meesha keliya ee aan iska hor imaaneyn waaba halkaas, LABA GOBOL IYO KA BADAN, Dowladda federaalka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha, Afhayeenka Baarlamaanka iyo Wasiirka Arrimaha Guduhu waa jebiyeen qodobkaas, waxkasta oo sharci darro ku dhismana wuxuu noqon mid dhib horseeda.
Rubuc qarni kadib, Dagaalkii Gaalkacyo, iyo dhamaan shidadii Soomaali ay gelisey jamhaddii USC oo aan laga heshiin wixii dhacay, markii qoriga iyo gumaca rasaasta lagu kala adkaan wayey ee la yiri qof walbow iimaanso meesha rabbi kugu beeray, in maanta qalin lagu doono iyo “ERGOOYINAA Ansixiyey Dhulkeenu waa ilaa Nugaal” la yiraahdo, ka bayridda iyo ku tumashada Dastuurka Federaalku miraha ka dhashaa muxuu noqon maxaa giraanta dib u ceshey?, Ka hor shirkaan Shalay ayaa ERGOOYINKAAN Cadaado fadhiyaa shir dibu heshisiineed u fadhiyeen Dhuusamareeb, oo ay ka heshiinayeen dagaaladii dhex-dooda soo marey, ma dadka degan Waqooyi, Bari iyo Galbeedka Mudug ayaad la heshiiseen?, Ma ergo ka socota ayaa shirka idiin fadhida?, Ma heshiiskii Dhismaha maamulkan ayey idinla saxiixdeen, oo Galmudug (Cabdi Qaybdiid) ayey ahaayeen?.
Ninbaa wuxuu yiri Waxaa Dhira Xididka Hoosaa Dhulkaa Loogu Beeraa, Way Dhici lahaayeen Dhismahoodu Weeye, maamulka Cadaado lagu dhisaayo xidid ma lee yahay? Dastuurka Federaalka ma baal marsan yahay?, miyaaney Dowladda federaalu qaadeyn maraha ka dhasha shirkaas?
Dagaalkii Gaalkacyo USC ku soo qaadey yo shirka Cadaado ee ergado u fadhido waxay iska shabbahaan, dhul isku mid ah ayaa qori iyo qalin lagu doonay in lagu soo dhacsado.
Ugu danbeyntii Puntland miyaaneyn la gudbooneyn in ay taageeraan Shirka Gobolada Dhexe ee ka furmey Dhuusamareeb ee si toos ah u sheegay in aysan dhul dadkale leeyihiin aysan duulaan ku ahayn intii horey loogu heshiiyeyna aysan dhaafeyn.
Taariikhdu waa mahadho, waa markhaanti, waxaa loo qoraa dabkii hore yaan lagu joogsan,
Xigasho: Horseed Media