Sawiro: Banaanbax looga soo horjeedo DFS iyo mamulka Cadaado laga dhisayo oo Garowe ka dhacay

28 jun 2015 (Puntlandes) Banaanbax balaaran oo dadku ku muujinayaan siday uga xun yihiin mamulka sharci darada ah ee DFS ka dhisayso Degmada Cadaado ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Caasimada Puntland ee Garowe.

Banaanbaxaan oo dadwayne faro badani kasoo qayb galeen ayaa waxaa dadka fagaaraha caanka ah ee Baraxada kula hadlay madaxda mamulka Gobalka Nugaal iyo kan degmada Garowe iyo qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka.

Banaanbaxaan ayaa waxaa lagu cambaareynayey siyaasadda DFS ee ku aaddan hirgelinta nidaamka federaalka, dadkii kasoo qayb galay Banaanbaxaan ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin Qaran Dumis Jawaari iyo Qabiil Doono Xasan Shiikh waxayna sheegeen in madaxda Puntland looga baahan yahay inay tilaabo muuqata ka qaadato arrinta taagan.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdullaahi Ciise Aw-Axmed oo kamid ahaa mas’uuliyiintii goobta ka hadlay ayaa sheegay in DFS ku fashilantay hirgelinta nidaamka federaalka, kuna xadgudubtey dastuurka dalka. Wuxuu sidoo kale si kulul u dhaleeceeyey Guddoomiye Jawaari oo uu ku tilmaamay qaran-dumis. Si taas lamid ah wuxuu u cambaareeyey Nicholas Kay isagoo xusay in uu ku jiho wareeray siyaasadda Soomaaliya.

Guddoomiye Aw-Ciise wuxuu ugu dambeyntii fariin u diray goleyaasha dowladda Puntland, isagoo ugu baaqay inay mowqif adag ka qaataan xaaladda taagan.

Sidoo kale dadka ayaa tilmaamaya inay muhiim tahay Puntland inay ka fekerto inay aayaheeda gooni uga tashato maadama lagu fashilmay in si toos ah loogu dhaqmo Nidaamka Federaalka iyo Dastuurka Dalka u yaala.

Banaanbaxaan ayaa kusoo aaday xilli Dawladda Puntland ay sheegay inaysan Puntland aqoonsan doonin maamul kasta oo laga dhisayo Cadaado ilaa lagu saleeyo sida uu qabo Dastuurka dalka iyo inay ka FIIRSAN DOONTO PUNTLAND KA MID AHAANSHAHA DFS ayna isticmaali doonto Qodobka 4aad ee Dastuurka Puntland.

Daawo sawirada

159

159a

159b

159c

159d

159e

159f

159h

159j
Puntlandes.com

About The Author