Daawo Video: Jaaliyadda Ciise Maxamuud ee London UK oo ka hadlaya shaqaaqadii Qarxis
28 jun 2015 (Puntlandes) Jaaliyadda Ciise Maxamuud ee London UK ayaa waxay ka hadleen shaqaaqadii Qarxis ee ku saabsan Taliyihii hore ee Booliska Puntland Muxiyadiin iyo Taliyihii hore ee PIA Puntland Cabdiyare oo Hubkii iyo ciidamadii dawlad Puntland ku haysta Degaanka Qarxis kadib markii ay la gadoodeen diideena inay waereejiyaan.
Jaaliyaddan ayaa waxay la safan yihiin labada nin ee doonaya inay Isbaaro u dhigtaan dawlada Puntland, waxayna ku doodayaan inaan Hubka iyo qalabka dawlada Puntland aan la wareejinayn inta aan qabiilooyinka kale hub ka dhigis lagu samayn, CAJIIB!!!
Maxaa iska galay Hubkii iyo Ciidamaddii dawlada iyo hubka ay Beelaha Puntland haystaan. Wax garad reer Nugaal ah oo Warbaahinta Puntlandes wax ka waydiisay warkan ka yimid qaar ka mida Jaalidda London ee ka soo jeeda Gobolka Nugaal ayaa wuxuu ku jawaabay “Reer Nugaal lama qabaan waana shaqsiyaad waxa waxaas ku hadlay”
Beesha Ciisa Maxamuud ayaa ah Beel ay aad iyo aad ugu dheer tahay jiritaanka iyo midnimada Puntland waxaana taas daliil u ah taakhdii horay u qornayd oo lagu xusuusto. Tusaale ahaana waxaa kuugu filan Banaanbixii maanta ay ku muujiyeen inaan la sheegan karin Gobolka Mudug ayna iyagu leeyihiin waa reer Puntland ne.
Daawo Jaaliyadda
Puntlandes.com