Dhageyso: Madaxweyne ku xigeenka PL ”Soomaalinimo, Rajadu caawa ayey ugu liidataa”
1 july 2015 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa uu ka jeediyay munaasabada kowda Luulyo ee 55 guuradii kasoo wareegtay xornimada gobolada koonfureed Soomaaliya e eka dhacday xalay Madaxtooyada Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay inay dowladda Puntland qaadato waxa ay doonayaan shacabka reer Puntland ee maalmahaan ka mudahaaradayay waxa ka socda Xamar iyo Cadaado. Wuxuuna yiri ”Madaxweyne waad aragtaa shacabkeenii waa hadleen waxay ila tahay wixii la yeeli lahaa inaynu isugu nimaadno o oka tashano waa qasab haddii aan wax laga bedelin Xamar … rajadii Soomali la helaa maantay ugu liidataa”
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay siyaasada Soomaaliya dhex dhexaad ka noqdaan ama dalka isaga baxaan.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku baaqay in wax laga badalo habka DFS u dhaqmayso, si loo helo ummad Soomaaliyeed oo taabagal ah, taasoo lagusoo celin karo sharaftii iyo dowladnimadii Soomaaliya.
Dhageyso madaxweyne ku xigeenka
Puntlandes.com