Sawiro: Madaxwaynaha Puntland oo ka qayb galay xaflada xuska Kowda Luulyo

WARBIXIN+SAWIRRO: Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa caawa aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kaga qeyb-galay munaasibad balaaran oo lagu xusayey koowda luulyo oo ku beegan maalintii xoriyadda umadda Soomaaliyeed ka qaateen gumaystaha iyo midowgii labada Gobol.

Xafladda ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro katirsan xukuumadda Puntland, saraakiisha sare ee caiidamada Puntland, Isimo, Waxgarad, Aqoonyahan, Haween, Dhalinyaro, dadweyne badan kuwaasi oo diyaar u ahaa ka qeyb-galka munaasibadaan balaaran.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey madasha ayaa umahadceliyey dhammaan ka soo qeyb-galaayasha xafladda , isagoona sanadkaan sanadkiisa kale alle uga baryey in nabad iyo barwaaqo umadda Soomaaliyeed ku gaaraan .

” Konton iyo shansano kadib waxaa inoo soo baxaya runtii in xornimadeeni gaasir noqotay, in gobanimadeeni ay kala dhantaalantahay , konton iyo shansano kabacdi soomaaliya ay daydayayso inay dib isugu soo laabato” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maanta ay Puntland tahay dhul nabad ah oo qofkasta oo Puntland jooga uu ku seexdo nabad kuna soo tooso, waxaana uu sigaar ah ugu mahadceliyey ciidanka amaanka Puntland oo har iyo habeen u taagan ka shaqeynta amaanka Puntland.

” Puntland cidna gorgortan kala gelimayso amnigeeda ama ha ahaato cadow gude ama mid dibadeedba , magan ugama aha Puntland amnigeeda Shabaab iyo sharwadayaal , magan ugama ma ahan maamul gacan ku rimis ah oo dawladda federaalka ahi ay malxal u raadinayso intaba Puntland way isaga filantahay ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Puntland marna u dulqaadan mayso in si horumarkeeda loo wiiqo oo loo dhaawaco in manigeeda khalkhal lageliyo , sababtoo ah ujeedada Puntland amnigeeda loo farafaray naayaa waxaa weeye in horumarka iyo yididiilada iyo himilada aanu leenahay hadaanu reer Puntland nahay in la waxyeeleeyo taasna ma aqbalayno ” Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweynuhu.

” Dadka Puntland meelkasta oo ay joogaan waxay kalsooni buuxda ku qabaan in ay leeyihiin ciidan difaaceeda ku filan ama hanoqdo cadow dibadeed ama cadow doqon ah oo wax magarato ah oo gudaheeda jooga labadaba Puntland waa ay isaga filantahay”

” Puntland nin jecel iyo nin neceba waa furihii Nabadda Soomaaliya , Puntland waa buundadii midnimada Soomaaliya , Soomaaliya waxaa isu haya waa Puntland , Puntland haday ka baxdana wax hagaagaya majirto, Puntland waa hooyadii iyo aabihii dawladda federaalka Sooomaaliya , saa daraadeed cidna ka aqbali mayso in wanaagi ay ka shaqeynaysay xumaan loogu badalo ”

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka cadaado ka socda uusan aheyn mid maamul federaal ah lagu dhisayo , balse waxaa uu tilmaamay in uu yahay shirqool xamar laga soo maleegay oo loogu talagalay in lagu carqaladeeyo maamul nabad ah oo jira.

” Waxaan idiin sheegayaa in Puntland ay ka horaysay Federaalka , Puntland uma baahna in federaal aqoonsado , jawaari baan waxaan ka maqlayey isagoo leh maamulada aanan aqoonsaneyn marka jawaari cid maanta uga baahan in uu aqoonsado majirto ” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweynuhu.

Shirka ka soconaya Cadaado ayuu Madaxweyne Gaas sheegay in masuuliyad daradiisa ay dusha u ridan doonto dawladda federaalka Soomaaliya , maadama ay iyadu garwadeen ka tahay shirkaasi .

” Waxay lahaayeen xuduudayadu waa Nugaal sida ay ku qorteen dastuur ku sheegooda ” aalatahay , sayid maxamed cabdulle xasan baa waxaa laga sheegay ninka yiri waxbaan gani anoo gol iyo ceyn jooga ee yiri badii garacad baan gudub u weydaaran godka lagu cadaabyow muxuu go’uhu been sheegay ”

” Waxaa hubaal ah marka ay runtu takto xuduudu aysan Nugaal noqoneyn , xuduudu waxaa ay noqonaysaa Godinlabe iyo Guriceel , waxaan u sheegaynaa dawladda federaalka ah hadii ay ka waantoobi weydo dhagarta iyo shidada ay Soomaali kula dhexjirto oo maalin walba Gobol nabad ah dhib la doonayso in Puntland dastuurkeedu qodobkeeda afaraad uu u ogolyahay in masiirkeeda iyo aayaheeda ka tashato”

” Wax masuuliyad oo gaar ah oo Puntland ka saaran majirto Soomaalinimo xamar iyo cadaado midna laga rabin , Soomaalinimo hadii ay nacfi iyo dhaqaale lahayd xamar baa qaadatay marka ninkii dheefteeda haystay haduu dhimashadeeda ka shaqeeyo isaga ayaa ku dharag la’a uguna baahi badan ”

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in hadii inta xun ee yar ee ku ciyaaraysa magaca Soomaalinimada la xakameyn inay ka lifikarto in lakala tago oo Soomaaliya kala irdhoowdo .

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

IMG_0013 IMG_0023 IMG_0025 IMG_0076 IMG_0088 IMG_0093 IMG_0106 IMG_0114 IMG_0118 IMG_0129 IMG_0140 IMG_0151 IMG_0155 IMG_0161 IMG_0165 IMG_0167 IMG_0180 IMG_0188 IMG_0212 IMG_0216 IMG_0224 IMG_0237 IMG_0242 IMG_0248 IMG_0258 IMG_0263 IMG_0265 IMG_0280 IMG_0290 IMG_0303 IMG_0306 IMG_0307 IMG_0313 IMG_0314 IMG_0317 IMG_0327 IMG_0363 IMG_0404 IMG_0412 IMG_0419 IMG_0421 IMG_0465 IMG_0489 IMG_0494 IMG_0496 IMG_0507 IMG_0536 IMG_0540 IMG_0550 IMG_0561 IMG_0570 IMG_0572 IMG_0575 IMG_0584 IMG_0625 IMG_0637 IMG_0684 IMG_0697 IMG_0701 IMG_9909 IMG_9924 IMG_9933 IMG_9935 IMG_9936 IMG_9947 IMG_9952 IMG_9957 IMG_9975 IMG_9996

 

About The Author