Akhriso: Khudbaddii Madaxweyne Gaas ee 1da luulyo

164d

1 july 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa jeediyay mid ka mid ah khudbadii loogu sugista badna,waxuuna uga hadlay arrimo badan oo xilligan ka taagan Puntland iyo Soomaaliya.

Cabdiweli ayaa ka hadlay ammaanka Puntland,horumarka ay dowladiisa gaartay,wax-qabadka la sugayo.xaaladda faderaalka iyo dhismaha maamulka gobollada dhexe.

Dowlad-nimo dhab ah ma jirto

Madaxweynaha Puntland oo ku hormaray xaaladda Soomaaliya waxuu sheegay inay muuqato dowlad-nimo dhab ah oo an dalka ka jirin,isagoona inta ku daray inay hooseyso rajada ku aadan Soomaaliya oo guulaysata.

“Waxaa mooda gumeysi maskaxeed inuu hadda na heysto,waxaana muuqata inaysan jirin dowlad Soomaaliyeed oo dhab ah,waayo waxaa muuqata labadii isku yimid inay xilligan is la’yihiin,”ayuu yiri Cabdiweli.

Waxuu sheegay waqti dheer in ay ka soo gudubtay waqtigii ay Soomaaliya ka guureen gumaystihii uuna jiro dibu dhac badan,taaso oo u sabab uga dhigay dowlad-nimada dalka oo uu ku sheegay mid an jirin oo an gaari karin  himiladii ummadda Soomaaliyeed.

Cabdiweli waxuu sheegay haddii an wax laga badalin fikirka maanta jira inay imaan doonto Soomaalida hadda jirta inay kala tagaan,waxuuna rabbi u waydiiyay dadka Soomaaliyeed kuwo ka gudba xaaladda hadda taagan.

Ammaanka Puntland

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay ammaanka ka jira Puntland waxuu ku sheegay inuu yahay mid wanagsan,isagoona inta ku daray qof kasta oo Puntland ku nool inuu amni ku soo toosayo haddii uu magaalo iyo miyiba ka joogo.

Waxuu sheegay inaysan Puntland cidna gorgortan kala gali doonin amnigeeda cadow gudaha jooga iyo mid dibadda ah-ba,isagoona inta ku daray inaysan cidna magan uga noqon doonin dowlad-nimadeeda iyo midnimadeeda Shabaab iyo sharwadayaal,sida uu sheegay.

“Puntland intaas oo dhan way isaga filan-tahay,Puntland marna uma dulqaadan doonto si loo wiiqo horumarka ka jira in amniga wax loo dhimo,”ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Dadka Puntland ayuu ku sheegay inay kalsooni ku qaaban ciidankooda oo cid walba isaga filan.

Horumarka Puntland

Waxuu sheegay madaxweynaha inay Puntland qaaday waddadii horumarka iyo jidkii kobaca dhaqaalaha oo ay meel wanagsan marayaan mashaaricdii horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha,sida goroomada diyaaradaha,jididkii iyo dakedaha.

Cabdiweli waxuu khudbadiisa ku ballan-qaaday in bishan bisheeda ay Puntland dadkeedu ka duuli doonan garoon diyaaradeed oo Caalami ah,isagoo inta ku daray in waqtigaa la arki doono horumar badan oo ka jira Puntland.

“Puntland way xubsiibatay waxaa soo baxday Puntland cusub,waana mid la jaanqaadi karta kana turjumaysa hididiilada dadkeeda,Puntlandta cusub waa mid an u joojineyn daba dhilif anaga nugu mashqula,waana mid taqaan meesha ay u socoto,”ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Waxuu inta ku daray Puntland-ta cusub inay tahay mid arigti dheer ka leh waxa ay Soomaali ka rabto iyo Soomaalida ay rabto nooca ay tahay,waxuuna inta raaciyay haddii la waayo Soomaali sax ah inay Puntland yeeli doonto waxii ay ka badin waydo.

Gaas ayaa sheegay inuu qorshaha yahay wiilka reer Puntland oo hadda jooga inuu helo nolal ka wanagsan tii uu horay aabihii u helay,taas ayuuna sheegay inay qasbayso si loogaro isbadal inuu yimaado,kaas oo u ku sheegay inuu hadda meel wanagsan maraya.

Faderaalka iyo gobollada dhexe 

Madaxweynaha Puntland ayaa ku sheegay dowlad-gobolleedka Puntland inay tahay hooyaddii Soomaaliya iyo xariga isku haya ummaada Soomaaliyeed ee hadda jirta.

Waxuu tilmaamay inaysan Puntland aqbaleyn wanaagi ay sameysay in xumaan loogu badalo,isagoona inta ku daray shirka ka socda Cadaado inusan u muuqan mid loogu talagay qab faderaal ah in lugu dhiso.

Cabdiweli waxuu ku sheegay shirka ka socda Cadaado inuu yahay shir qool laga soo maleegay Xamar oo wax loogu dhimayo jiritaanka Puntland,waxuuna sheegay waxii ka soo baxa shirka Cadaado inay mas’uul ka noqonayso dowladda faderaalka.

“Puntland ninkii jecel iyo kii neceyb u qababa waa hooyadii iyo aabihii federaalka Soomaaliya,Shirka Cadaado ka socda ma aha mid lagu talagalay in maamul federaal ah lagu dhiso, ee wa shirqool Xamar laga soo maleegayo oo larabo in lagu carqaladeeyo maamul dhisan, masuuliyadiisana waxa qaadaya dowladda federaalka”ayuu yiri madaxweyne Cabdiweli.

Gaas oo ka hadlay xadduudka ku qoran  dastuurka maamulka gobolleda dhexe inuu yahay gobolka Nugaal,waxuuna ku tilmaamay wax la iska sheegtay ama la iska yiri.

“Waa ogyihiin inaysan xadduudkooda noqon karin Nugaal,waxaana hubaal ah markii ay runta tagto xaduudu noqon mayso Nugaal ee waxay noqon doonta Godilabe iyo Guurceel,”ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Puntland oo go’aan qaadaneysa

Madaxweynaha Puntland waxuu sheegay dowladda faderaalka haddii ay ka wantoobi waydo wax uu ku sheegay dhagar iyo shidada ay Soomaali kula dhex jirto,markana gobol nabad ah ay dhib kula doonayso inay Puntland ka tashaneyso masiirkeeda iyo aayaheeda,waxaana oggalanaya dastuurka Puntland.

Puntland waxuu sheegay inaysan jirin wax mas’uuliyad ah gaar ah oo ka saaran Soomaali-nimo uu ku sheegay inan laga rabin Xamar iyo Cadaado,marka wuxuu sheegay nacfi iyo dhaqaalo waxii ay Soomaaliya lahayd inay Xamar qaadatay.

“Waxaan u sheegayna Dowladda Federaalka haday joojin waydo waxay waddo, Puntland qodobka 4 aad ee dastuurkeeda ayaa u ogolaanaya inay ka tashato” sidaasi waxaa yiri madaxweynaha Puntland Dr Gaas.

Ugu dambeyntii,Madaxweynaha Puntland waxuu khudbadiisa ku soo xiray in haddii inta yar ee ku ciyaaraysa magaca Soomaalida inay ka dhalan karto Soomaaliya oo kala tagto,isagoona ugu baaqay inta wanaga jacel inay meel uga soo wadajeesato dadka xumaanta karkarinaya.

Xigasho Raxanreeb

Puntlandes.com

About The Author