Sawirro: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland oo Dawayntii iyo Daryeelkii Xoolaha ka wada degmada Bursaalax

01 May 2024 (Puntlandes.com) Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dawladda Puntland ayaa waxay si habsami leh uga wadaa Dhamaan Goboladda iyo degmooyinka Puntland Xoolo Dawayn, iyadoo kooxdii ku qornayd degmada Bursaalax ee gobolka Mudug ay Dawayntii iyo Daryeelkii Xoolaha u wado si dardar leh.

Dawaynta iyo Daryeelka Xoolaha ee ay wado Wasaaradu ayaa waxaa si habsami leh uga faaiidaysanaya dhamaan Bulshadda Xoolo dhaqatadda ah ee Puntland.

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ayaa waxaa ka go´an hormarinta xoolaha si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, Neef caafimaad qabaa waxa uu sababa Bulsho caafimaad qabta.

About The Author