Wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya oo la kulmay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

01 May 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Arrimaha dibada dawladda Itoobiya Taye Atske-Selassie ayaa la kulmay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing oo booqasho ku tagtay Addis Ababa.

kulanka waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya & Gobalka Geeska, iyadoo Catriona Laing ayaa xukuumada Abiye ku wargalisay walaaceeda heshiiskii Badda ee xiisada culus ka dhex abuurtay xukuumadaha Muqdisho iyo Adis Ababa.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa fadhigga ka sheegay in ay ka shaqeynayaan daganaanshaha gobalka, iyadoo ay Ergayga gaarka ah ee QM la sheegay in ay Itoobiya uga mahadcelisay taageerada ay ka geysato sidii ay Soomaaliya nabad u noqon lahayd.

About The Author